wararkii ugu dambeyey

       Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan

Read more

Ugaandha Kampala

     Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

Read More....

Feed Display
No Feed URL specified.
Page-ka Abdi Bile
Cadadka booqashada

Adigu waxaad

tahay Booqde
nr

Banner

Xog ku saabsan Kabaha cirbaha dhaadheer .

User Rating: / 0
PoorBest 

Haween badan gaar ahaan da’da dhexe ayaa badiyaa xirta ama gashada(Illada) kabo dhaa dheer oo mar marka qaar ay dhici karto in qofkii arkaa uu mudo fiiris iyo yaab ugu dhaqaqaaqo.

Ma halaa sheegaaa, ma xaragaa, ma labis baa, ma is dheereyn baa mise waa ilbixnimo tii ugu dambeysay kaba cirbaha dhaadheer ee habluhu qaataan ayaa sanooyinkii ugu dambeysay waxay aheyd sida tusbax afka laga furay tiiyoo ay u sii dheer tahay turaanturada iyo dhul salaanka maalin laha ee ay la kulmaan haweenkaasi.


Marka laga soo tago socod taag taagsi ah oo lagu macneeyey is ilaalin iyo mar mar dhulka la soo taabto ayaa waxaa hada shaaca laga qaaday laba xaaladood oo halis ah oo ay keenaan kabaha cirbaha dhaadheer ee ay qaataan haweenka, iyadoo daraasad arinkan ku aadan oo ay soo saareen koox culimo ah ay ka muujiteen digniin.
 

Inkastoo noocyo kala duwan ay yihiin kabaha cirbaha dhaadheer ee habluhu qaataan isla markaana ay jiraan kuwa macquul ah iyo kuwa dhaafay xadkii macquulka oo siyaado u dhaa dheer waana taasi mida keentey in lagu sameeyo baaritaan.
 

Koox qubaro ah oo ka tirsan hay’adda lagu magacaabo Society of Chiropodists and Podiatrists ayaa sheegay in haweenka uurka leh ee xirta kabaha cirbaha dhaadheer inay qatar isku keenayaan iyagoo fashion ahaan u labisanaya.

Lady Gaga & boqolaal kale ayaa sidan u labista 

Daraasad laga qaaday 1,000 haween uur leh ayaa lagu ogaadey in qaar badan oo ka mid ah ay xirtaan ama gashadaan kabo cirbahoodu aad u dhaadheer yihiin, kuwa ilaa dhexda dhaadheer iyo dacas ama sandal taasi oo la sheegay inay keento dhibaato xaga lugaha iyo cagaha ah.

Lorraine Jones oo ka tirsan The Society of Chiropodists and Podiatrists ayaa sheegtey in dhamaan noocyadaasi kabood ay yihiin kuwa dhibaato ku keeni kara haweenka uurka leh.

Fanaanada Lady Gaga oo dhulka salaantey ka dib markii ay la kuftey kabaheeda qaabka daran


Todobo ka mid ah 10-kii hablood ee laga qaaday sahankan aayaa la sheegay in 37 % inay ka cabanayaan lugo barar, 45% cago barar iyo 16% xanuuno cirbaha iyo faylaha lugaha.
 

Daraasadan waxay kula talisay haweenka inay qaataan kabo raaxo leh, cariiria ah isla markaana ay yareeyaan dhibaatada ku imaan karta.

Dhinaca kale cilmi baaris todobaadkan soo baxdey ayaa lagu sheegay in kabaha aadka u cirbaha dhaadheer ee ay qaataan hablaha caanka inay waxyeelo xaga maskaxda ah dhaliyaan.

Cilmi baarisan oo ay sameeyeen horin qubaro ah oo ka tirsan Jaamacada Mirre Stallen of Erasmus University ee magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey 24 haween oo qaarkood yihiin kuwa xayeysiismaha u sameeya kaba cirbaha dhaadheer laga helay waxyeelo xaga maskaxda ah gaar ahaan xusuusta, sida uu qorey wargeyska Journal of Economic Psychology.

 
G, jamac.Dooha Qadar

     Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Doha Qatar Lagu Soo Dhaweeyey.

Daawo Sawiradda

M sheekh shariif

     Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar

Read More..........

Last news SSC

   

Hogaanka SSC oo magacaabay Xisaabiye, Khasnaji Cusub Xilkiina ka qaaday Taliyihii Ciidanka.

Read More......

hamabalyo Hambalyo Dhalasho
Rayiga umada
Toloow maxaa inoodan ah
 
Abwaan C/casiis Axmed Faarax

Halkan kala soco Abwaanka
Cusub ee reer Buuhoodle
C/siis Axmed Faarax

gabaydiisiina waa ku wan.

Darwiishland

Magacba ay 

XAABSADE

PUNTLAND

Somali Radio

BBC

Who's Online
We have 6 guests online